 |
|
|
|
Warbixin MS Windows-ka cusub
Sida aan horaan idiinka balan qaaday waxaan jeclahay inaan idin siiyo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan Windows-kii ugu dambeeyey ee soo baxay 30kii, April 2005.
Windows XP Professional x64 Edition, waxuu lashaqayn karaa computerada cusub ee ku shaqeeya 64bit. Shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara nooca cusub ee processorka computer-adaas cusub waxay kala yihiin :
• AMD's amd64 • Intel's EM64T
Shirkadda AMD processor-ka cusub ee ay soo saareen waxay kala yihiin, Athlon 64, Athlon 64 FX, Mobile Athlon 64, Turion 64, and Opteron. Shirkadda Intel waxay iyaduna soo saartay, Xeon with EM64T and Pentium 4 with EM64T.
Noocyadaas computerada ee aan soo sheegnay oo idil waxay waafaqsan yihiin ama si toos ah ula shaqayn karaan Windows-ka cusub.
Windows-ka cusub ilaa iyo hadda si gooni ah looma suuq gaynin isaga oo CD ah, ee waxaa heli kara oo kaliya ciddii iibsata computer cusub oo leh 64bit.
Sida ay Microsoft sheegtay, intii u dhaxeysay March 31, 2003 iyo July 31, 2005, haddii uu ruuxu iibsadey computer cusub oo leh 64bit ama uu gacantiisa ku dhistay laakiinse uusan haysanin windowska cusub wuxuu ruuxaas xaq u leeyahay inuu helo windows-ka cusub. Waxuu ruuxaas booqan karaa shirkadda Microsoft website-keeda si uu uga soo rogto windows-ka cusub. Haseyeeshee waxaa shardi ah in ruuxaasi uu horaan haystay windows-kii hore ee ahaa winXp Professional ee ku shaqayn jiray 32-bit si loogu badalo midka cusub.
Shirkadda Microsoft waxay website-keeda ku cadaysay in windows-ka cusub uu lashaqayn karo computerada cusub ee leh 64bit oo kaliya. Haseyeeshee uu windows-ka cusubi kaga shaqaysiin karo application-ka ama program-yada ku shaqeeya 32bit. Taas micnaheedu waxaa weeye in computerada cusub ee leh 64bit ay qaadan karaan windows-yadii hore 32bit iyo midka cusub intaba, laakiinse windows-ka cusub x64 aanan lagu duubi karin computeradii hore ee lahaa 32bit.
Shirkadda Microsoft, waxay kaloo cadaysay in loo baahan yahay in ruuxu uu marka hore si fiican u ogaado in computerkiisa iyo program-yada uu isticmaali doono ay lashayn karaan windows-ka cusub inta uusan windows-ka cusub soo roganin.
Wixii tafaasiil ah, waxaad booqataa website-ka Microsoft: http://www.microsoft.com/windowsxp/64bit/default.mspx
Home Print
|
|
 |
 |