 |
|
|
|
Sababaha keena cilada computerka
Inkastoo ay badan yihiin cilada ku iman karta computerka, hadana waa dhab in ay jiraan kuwa waaweyan oo gaadhsiin kara ama ka dhigi kara computerka in uu shaqada joojiyo ama fadhiisto oo uu kici waayo, waxaana caan ka noqotay aduunka cilada badan oo ay ka mid tahay in computer isaga oo caadi ah la bakhtiiyay ka dibna la shiday uu soo saaro muraayad bluug ah oo ay far cadi ku qoran tahay taasoo loo yaqaan (Blue Screen), ciladan oo kale waxa ay caan ku tahay dadka isticmaala microsoft windows, waxaana qoraalkan xooga ku saari doonaa bal waxyaabaha keena cilada computerka ku dhacda si looga hortago ama looga foojignaado.
1- RAM: Random Access Memory (RAM) waa xubin ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan computerka, waana halka si ku meel gaadh ah ay data ugu kaysanto, sidaa darteed hadii ay dhacdo in uu RAM-ku xumaado waxaan shaki ku jirin in uu computer uusan soo kacayn ama uu soo saari doono Blue Screen oo ah ciladii aynu soo sheegnay. Hadaba waa muhiim in laga taxadaro RAM-ka waxaana wanaagsan in computerku uu yeesho ugu yaraan laba RAM si hadii uu midi xumaado uu midka kale hawsha usii wado. Hadii ay cilada aad uga shakido RAM-ka isku day intaad bakhtiiso computerka oo aad ka saarto xadhiga dabka aad RAM-ka ka bedesho godka uu ku jiro aadna gelisid god kale, hadii ay ciladu sii jirtana waa in aad la tashato qof aqoon u leh xalinta ciladaha computerka.
2- Bios Setting: Computerku waxaa uu ka kooban yahay qaybo hardware ah (Chips) sidaa darteed waxaa jirta meel ay ka wada diiwaan gashan yihiin oo ah Bios-ka, runtii waa meel u baahan inuu wax ka bedbedelo qof aqoon sare u leh waayo waxaa dhacda hadii uu qof aan aqoon sare lahayn in uu wax ka bed bedelo in computer-ku halis galo ama uu sidaa ku qaribmo, sida caadiga Bios Setting waxaa lagu galaa F2 ama Del oo la riixo marka uu computerka soo kacayo, ka dibna waxaad dhex galaysaa meesha ay ku wada jiraan dhamaan programska ay loogu tala galay in wax lagaga bedelo chips yar yar ee ku jira computerka, hadii ay dhacdo in si khaldan laga dhigo ama la belo meel aan la garanayn computerku waa uu ciladoobaa. Waxaana haboon in loo daayo sida ay shirkadaha sameeya computers-ka ay u soo diyaariyeen (Factory Setting) waayo waxaa ay u dooreen in aan loo baahan in la galo Bioska hadii aysan jirin baahi looga maarmiwaayo mooyaane.
3- Viruses: Ciladaha ugu badan ee computerka waxaa uu ka yimaada isagoo uu virus soo galo computerka, calaamadaha ugu horeeya ee lagu garan karo virus-ka waa isagoo ka dhiga computerka mid aan si haboon u shaqaynayn sida computerka oo cuslaada, marka uu soo kacayo oo uu aad u raago, internetka uu uu ka dhigo mid culus oo aan horay u furi Karin websiteska iwm, marka dambe hadii uu virus ku ku raago computerka waxaa dhacda in uu masaxo files ka kiciya windowska isla markaana uu ku dhaco virusku halka loo yaqaan (Boot Sector) waana marka ugu dambeysa ama ugu qaasaraha wayn hadii uu gaadho virus ku halkaa ka dibna computerka waxaa uu ka dhigaa mid aan sooba kacayn marka la shido, waxa kaliya ee looga hortagi karaana waa iyadoo la isticmaalo anti virus wanaagsan isla markaana lagu sameeyo cusboonaysiin (updating) ugu yaraan todobaadkii hal mar.
4- Printers: Inkastoo aynu wada ogsoonahay in daabacaadu (Printer) ay tahay faa’iidooyinka uu leeyahay computerka taasoo tusaale ka dhigta wax qabadka computerka oo ay u soo saarto banaanka, hadana waxaa jirta in printer ku mararka qaarkood keensado cilad taasoo sababi karta inay computerka wax u dhinto ama ay ka joojiso hawsha, waxaa jira in printerku sameyso file aad u wayn marka loo diro amar ah inuu wax daabaco kaasoo loo yaqaan post script file. Waxaana kaloo jirta inuu printer ku uu leeyahay memory aad u yar kaasoo loo yaqaan buffer, sidaa darteed waxaa uu aad u isticmaalaa CPU ga computerka waana marka loo diro file aad u wayn oo laga yaabo in uu printer ku aanu qaadi Karin, sidaa darteedna uu computer ka dhigo mid aad u gaabinaya ama uu bur buro computer ku.
5- Softwares: Barnaamij in lagu shubo computer ka waa mid dhacda goor walba taasoo sabab u ah in ay dadku mar walba helaan barnaamij cusub oo ay u baahan yihiin, balse waxaa iyadana dhinac socota in uu keeni karo cilad xaga computerka ah waxaana ugu daran marka barnaamij ku jiray computerka laga masaxo kadibna hadana dib loogu shubo waana mida ugu daran waayo waxaa jira in marka hore ee laga masaxayo computerka sidoo kale uu barnaamij kuna uu masaxayo files badan oo uu isagu ku dhex sameysatay computerka sidaa darteed waxaa haboon in aan lagu deg degin in program laga masaxo computerka, hadiise ay dhacdo in laga masaxayo waa in laga fekeraa ka hor inta aan la masixin in loo baahan doono mar kale.
6- Power Supply: Waa halka uu computer ka uu ka helo dabka, sidaa darteedna waa meesha ugu horeysa ee loo baahan yahay in laga eego hadii uu computer ku soo kici waayo sababtuna waa in hadii uusan computer ku helaynin dab/koronto aysan suurto gal noqon Karin in uu shidmo, sidaa darteed waa muhiim in lala socdo xaalada koronto ee power supply ga isagoo xaga dambe kuleh marwaxad yar tasoo sheegta in uu dab joogo iyo in kale, waana ay dhici kartaa in ay marwaxadu laftirkeedu ay ciladoowdo.
7- Overheating: cimilada lagu isticmaalayo computerka ama meesha uu yaalo waa muhiin in la hubiyo, sababtuna waa in hadii ay tahay meel kulul oo ka saraysa 40 C in uu computer ku ay ku imanayso xaalad aan caadi ahayn taasoo keeni karta in uu shaqada joojiyo, sidaa darteed waa muhiin in la ogaado in CPU ga oo ah maskaxda computer ka ay ku jirto meel aad u cidhiidhi ah oo lagu dul xidhay marwaxad yar oo loogu tala galay in ay qaboojiso, waana mid loo baahan yahay in aad hubiso in ay shaqaysanayso marwaxada ku dhex jirta computerka waayo hadii ay joogsato waa halis aad u daran.
Khadar M. Cumar www.somalitech.com
Home Print
|
|
 |
 |