 |
|
|
|
Faa'iidada iyo khasaaraha Internetka.
Adeegsiga shabakada Internetka ayaa waxay noqotay mid muhiim u ah nolosheena guud ahaan. hase yeeshee waxaa jira cabashooyin badan oo ka imanaya dhinaca waalidka, gaar ahaan kuwa leh caruurta da'da yar, ama teenage-ka ah.
Sidoo kale dadyoow badan oo ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa waxay arkeen in Internerku halis ku yahay dhalinyarada da'da yar. khubaradaas waxay daliishanayaan dhacdooyin kala duwan oo caruurtaas kaga yimid isticmaalka internetka iyo computerka. Waxaa dhacdooyinkaas kamid ah, in caruurta ay lasheekeystaan dad aysan aqoonin kadibna ay ku sameeyaan brainwash iyo in ay maskaxdoodii baddalaan. Inta badan waxay caruurtaas kala kulmaan in Chat-ka loogu sheego been iyo balan-qaadyo badan kadibna lagu qanciyo in ay la kulmaan ruuxa lasheekeysanaya, kadibna markii lala kulmo lagu sameeyo faro xumeyn iyo in dil loogu daro mar marka qaarkood.
Waxaa kale oo dhacda in internetka lagu baro dhalinta, inay isticmaalaan Drugs-ka iyo wixii laxiriira, iyo sidey u heli lahaayeen intaba. Waxaa intaas dheer in dhalintu ku mashquusho isticmaalka internetka ayna dayacaan waajibkii kale ee iskuulka looga soo direy iyo wax barashadii. waxaa iyadana mudan in lays xasuusiyo in isticmaalka computerka uu halis u yahay caafimadka hadii si xun loo isticmaalo. haddaan miisaal u soo qaato, Shaashada computerku waxay bixisaa iftiin kaasoo indhaha khatar galin kara haddii muddo dheer lahor fadhiyo. waxaa iyada jirta in shaaasadu ay bixiso radiation ama magnet yar oo aanan la arki karin, kaas oo maskaxda wax u dhimi kara, keenina kara madax wareer joogto ah haddii isticmaalkooda labadsado.
Dhinaca dhaqaalaha sidoo kale, computerka iyo internetku waxay culeys weyn ku hayaan dhaqaalaha qoyska, gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar yahay. Haddii laqiyaaso inta oogu yar ee qoys walba uu bil kasta ku bixiyo Computerka iyo internetka waxay u dhaxaysaa $50 - $100 oo doolar markii lagu daro korontada uu isticmaalayo iyo hagaajinta upgrading-ka uu mar kasta u baahan yahay.
Intaas waxaa dheer , dhibaato weynna ah inay dhacdo in ragga qaarkii ama gabdhaha qaarkood kaga mashquulaan internetka mas'uuliyadii gurigooda taasna ay dhalisho khilaaf dhexyimaada qoyska kadibna uu reerkii halkaas ku burburo. waxaa kale oo khilaaf keeni kara markii ay gabadhu aragto ninkeedii oo gabdho kule kula sheekaysanaya internetka ama ay tuhmo timaado dhexdooda ah.
haddii aan ka fiirino dhinaca fiican, internetku waxuu noo sahlay kor uqaadidda cilmi baarista guud ahaan, waxuuna ruux walba awood u yeeshay inuu halo aqoon ku filan isagoo gurigiisa fadhiya hadduu doono, sida learning online ama leaning direct oo kale. waxaa kale oo uu faa'iido weyn u leeyahay kala war qaadashada iyo isla xiriirka qoysaska kala jooga meelo kala fogfog sida somalida maanta haysata oo kale.
ugu danbaytii , waxaa laga yaabaa in hadda maskaxdiina ku wareeganayso su'aasha ah, sideen u helnaa faa'iidooyinka internetka oogana nabad galnaa dhibaatooyinkiisa. Anigoo ka jawaabaya su'aashaas waxaan waxaan idin kula talin lahaa sidan hoos ku qoran:-
1- Marka hore waxaad isku daydaa inaad yarayso isticmaalka Internetka haddeysan jirin wax muhiim ah, si aad u ilaaliso waqtiga iyo dhaqaalaha. 2-isku day inaad ka yara fogaato shaashada computerka si aysan kuu soo gaarin Radiationka, sidoo kale waxaad shaashadaada ka dhigtaa 800 by 600 pixels si qoraalka fartu kuugu weynaato. 3-haddii aad leedahay dhalin yaro ama aad mas'uul katahay, waxaan kugula talin lahaa inaadan kaligood fursan u siinin marnaba inay isticmaalaan internetka ee aad lajoogto. waxaa kale oo aan kugula talin lahaa inaad computerkaaga ku xirto password si aysan gadaashaa u galin.
Home Print
|
|
 |
 |