 |
|
|
|
Tayada website-yada Somalida
Isticmaalidda Open source CMS ( content management systems) ayaa wuxuu yahay mid aad ugu badan website-yada Internetka gaar ahaan kuwa Somalida oo 90% isticmaala barnaamijyadaas oo uu ugu horeeyo PHP-NUKE. CMS tools, ayaa waxay yihiin barnaamijyo bilaash ah oo loo sameeyay in website-yada internetka tayadooda kor loogu qaado, waxayna badankood ku jiraan marxalad tijaabo ah oo ladoonayo in lagu eego hadba sida ay program-yadaas u shaqeeyaan. Sidaan ognahayba waxaa jira barnaamij-yo badan oo markii hore ahaan jiray bilaash haseyeeshee markii dambe laga dhigay lacag markii ay shirkadda samaysa ogaatay inuu barnaajkeedu yahay mid lasuuq gayn karo oo loo isticmaali karo wixii ladoono.
Barnaamijyadan waxay kaa caawin karaan inaad samaysato website aad iyo aad u qiimo badan oo leh dhammaan wixii aad ka doonaysay inuu website-kaadu lahaado iyo waliba kuwo kale oo dheeraad ah idigoonan u baahanin inaad barato html, PHP ,JAVA iyo program-yada kale ee lagu dhiso website-ka. Barnaamijyadan waxay badankood u baahan yihiin Server sida Apache iyo Database ay ku shaqeeyaan waxaana badankood lagu qoray PHP oo ah (Server side scripting language) iyagoo isticmaala MySQL. Sidoo kale PHP iyo MYSQL ayaa iyaguna ah kuwo bilaash oo laga soo rogan karo internetka. Sidaas owgeed waxay barnaamijyadaasi (CMS) noqdeen kuwo dhinac walba lacag la'aan ah isla markaana kuu sahlaya inaad hesho website-kii aad niyadda ku hayn jirta inaad yeelato in muddo yar ah gudaheed.
Si kartaba arinku ha ahaadee waxaa xaqiiqa ah in wax walba ay leeyihiin dhican wanaagsan iyo dhinac xun intaba sidaas owgeed waxaa lagama maarmaan ah inaan xusno dhibaatooyinka ay leeyihiin barnaamijyadaas. Ugu horeyntii sidaan kor ku xusayba program-yadan waxay isticmaalaan database waxaana lagu qoray sida badan PHP. Database-ku inta badan qalad kuma yimaado haddii si fiican marka hore loo hagaajiyo haseyeeshee dhibaatada database-ku waa mid aanan la fogaysan karin oo dhici karta. Sidaas owgeed, Database-ku wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo taxadar badan iyo ruux si fiican u yaqaana oo ilaalin kara kuna samayn kara backup isla markaana haddii qalad ku yimaado saxi kara.
Midda kale program-yadan waxaa qoray dad kale oo aanan ahayn kuwa isticmaalaya sidaas owgeed way adag tahay in si sahal ah lagu garto ciladooda. Somalidu waxay yiraahdaan"jinni ninkii keena ayaa bixiya". Program-yadan waxaa dhisay dad khibrad leh oo aad u yaqaana haseyeeshee haddii qalad ku yimaado waxaa adkaanaysa sixitaanka qaladkaas la'aantood. Sidaas owgeed waxaa jirta in dadka sameeya barnaamijyadaas badankood ay digniin hoosta kaga qoraan barnaamijka iyo inaysan iyagu mas'uul ka ahayn wixii qasaaro ah ee uu u keeno barnaamijkooda.
Waxaa kale oo jirta in program-yadan ay leeyihiin waddooyin u gaar ah ama qaab-dhismeed loo sameeyay oo aanan laga badali karin. Taas waxaad ka garan kartaa sida website-yada Somalidu ay badankood isugu egyihiin xagga design-ka oo aadan marka qaarkood aadan garan karin website-ka aad ku jirto. Sidoo kale waxay qaarkood leeyihiin shuruudo sida in macaga shirkada sameysay hoos lagaga qoro oo link loo sameeyo.
Ugu dambeyntii, barnaamijyadan waa kuwo jira oo ay Somalidu aad u isticmaalaan isla markaana faa'iido iyo khasaaro intaba leh. Waxaa kale oo aan aaminsanahay in faa'iidadu ay aad uga badanayso dhinaca khasaaraha haddii dadka isticmaala barnaamijyadaas ay raacaan talooyinkan hoose:
1- Marka hose inta aadan dooran CMS latasho dadka horaan u isticmaalay ama cilmiga u leh. 2- sidoo kale waxaad akhrisaa waxyaabaha laga qoray program-ka aad dooranayso ee ay dadku ku qoreen internetka iyo forum-yada kala duwan. 3- Markii aad doorato barnaamij oo aad download ku samayso, marka hore waxaad siisaa muddo fiican oo tijaabo ah si aad u ogaato waxa uu ku fiican yahay iyo wixii kale inta aadan kusoo bandhigin website-kaada. 4- Database-ka ku samee backup si joogto ah oo faylasha ku kaydi meel ammaan ah. 5- Mar walba la soco wixii barnaamijka ay shirkadu ku soo kordhiso iyo khaladaadka laga helay kadib kasoo rogo website-kooda.
Waxaan filayaa inaad dheereeyey ee intaas nagu filan maanta!.
Haddana waxaad program-yadaas kasoo rogan kartaa halkan: Opensourcecms.com PHP-NUKE
Haddii aad doonayso PHP iyo MySQL waxaan kasoo rogan kartaa: MYSQL PHP
Good luck
Home Print
|
|
 |
 |