logo
top
left

 

 

Aqoonta Internetka oo korartay

Aqoonta dadka isticmaala Internetka ayaa lasheegay inay kor u kacdey gaar ahaan aqoonta dhinaca spyware-ka iyo virus-ka. Dadku waxay badankood barteen dhinacyada uu virus-ku uga iman karo sida faylasha laysu diro (attachments) IWM.

Daraasad ay sameysay hay'ad Maraykan ah http://www.pewinternet.org ayaa sheegtay in adeegsadayaasha Internetku ay 90% badaleen qaabkii ay horaan u isticmaali jireen Internetka halkaas oo ay 81% sheegeen inay joojiyeen furitaanka faylasha (attachments) hadeysan aqoonin cidda soo dirtay isla markaana aysan ogaanin inaysan lasoconin wax virus ah.

Waxaa kale oo ay daraasadaasi tusisay in 18% dadkaas ay bilaabeen inay adeegsadaan Browser ka duwan Internet Explorer arimo nabad galyo owgood.

Isbadalka weyn ee ku yimid dadka isticmaala Internetka waxaa sabab u ah iyadoo ay aad Internetka ugu bateen Virus-ka iyo spyware-ka kuwaas oo isku daya in ruuxa Internetka ku jira ay dabin galiyaan kadibna ay burburiyaan ama ka xadaan faylashiisa gaarka u ah ee computerka ugu kaydsan.

In kabadan 50% dadka Internetka isticmaala waxay sheegeen inay horaan ku dheceen dabinkaas taasna ay ku kaliftay inay badalaan qaabkii ay u adeegsan jireen Internet-ka oo ay muujiyaan taxadar weyn isla markaasna ay adeegsadaan Software-yada loogu talo galay in lagaga hortago cuduradaas.

Home Print

 

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home