logo
top
left

 

 

Sideen homepage uga dhigtaa?

Akhristayaal badan ayaa isoo weyday sida ugu sahlan ee Homepage looga dhigan karo website-ka aad inta badan soo booqato oo markii Internet Explorer-ka lafuro uu halkaas website-kii aad rabtay kuugu furmo. Arinkaas wuxuu kuu fududaynayaa booqashada webka sidoo kale wuxuu yaraynayaa inaad mar walba ku qorto cinwaankiisa webka (URL) meesha loogu talo galay (Address bar).

Arinkan ma ah mid cusub waana mid ay dadka badankii wada yaqaanaan oo aad u sahlan. Haseyeeshee maadaama ay jiraan dad badan oo isoo weydiiyeen waxaan jeclahay inaan halkan ku sharxo.

Waxaad samaysaa arimahan hoose:

1- Internet Explorer-ka ama Browser aad isticmaalayso waxaad kadoorataa
TOOLS
2- Kadib kasii dooro INTERNET OPTIONS

kadib waxaa kuu furmi doona sanduuqan hoose:




3- Meesha ay ku qoran tahay Somalitech.com waxaad galisaa hadba website-ka aad jeceshahay ee aad doonayso. Haddii aan arki weydo waxaa laga yaabaa inaad meel kale joogto ee waxaad riix daa GENERAL.

4- Kadib waxaad riixdaa APPLY markii aad qorto cinwaanka webka kadib

5- Ugu dambaynta riix OK

Hadda si aad u tijaabiso, waxaad xidhaa Internet Explorer-ka kadibna mar labaad soo gal.

Hadda waxaa kuu soo baxaya websitekii aad galisay adigoon qorin cinwaankiisa.

Haddii aad doonayso inaad iska badasho oo aad mid kale doorato sidii hore oo kale yeel oo ku badal midka aad dib ka jeclaatay.

Haddii aad meelo kale ama website-yo kale ku gasho oo aad rabto inaad dib ugu noqoto websitekii aad jeclayd waxaad markaas yeeli kartaa inaad riix HOME kadibna si sahal ah ayuu kuugu celin websitekii aan jeclayd.

HOME waxaad kaheli kartaa TOOLBAR-ka wuxuuna u sawiran yahay sidii guri yar oo kale sida aad hoose ku arki karto.



Waxaan rajaynayaa inuu kani yahay cashir sahal ah oo faa'iido leh. Si kastaba ha noqotee haddii ay kugu adkaato fadlan iisoo sheeg.

Home Print

 

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home