logo
top
left

 

 

Xayaysiinta Google Adsense

Waxan jeclaan lahaa inaan halkan ku soo bandhigo arin aad u muhiim ah khuseysana dhalinyarada somaliyeed ee webmasterada ah.

Eegmo eegmeyn aan ku sameeyey bogga somaliyeed ayaa waxa iiga soo baxey iney badankoodu isticmaalaan hababka xayeysiimaha ee google (Google Adsense) iyo Yahoo publisher Network(YPN) si ay ugu daboolaan kharashka hosting, Hadaba waxa jirta iney hababkaa xayeysiimuhu ay shuruudahoodu aad u adag yihiin oo hadii aad mid kamida jabisid ay u badan tahey in lagaa mamnuuco barnaamijkaa.

Midka mida shuurucdaa ayaa ah inaanad adigu gujin, riixin ama click ku sameyn si kasa ama kama ah xayeysiimaha boggaaga ka muuqda, hadaba badanaa waxa dhacda madaama aynu nahey bini'aadam iney gacantu inagaga dhacdo inagoon is laheyn riixa ama gujiya. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan ineynu marka aynu abuureyno bogga aynu tijaabino shaqeyn tooda taas oo abuuri karta in xayeysiintu dhawr jeer kuu muuqato(impressions) taas oo iyaduna kuu keeni karta ina lagaa mamnuuco
barnaamijyadaa xayey siinta ah. Hadaba waxa xusid mudan sideynu isaga ilaalin karnaa ineynaan jabin shuruucdaa, waxa filaay in ay adag tahey sida khalad lays kaga ilaaliyo ayna haboontey in la helo dariiqo lagu joojiyo araga xeyeysiimaahaa si ay u yaraado chance ka gujinta ama riixida xayeysiintaa.

Hadaba waxan jeclaan lahaa inaan halkan ku soo bandhigo hab loo joojiyo araga xayeysiimahaa.

Raac talaabooyinkan soo socda

1. fur file magaciisa la yidhaahdo hosts oo ku jira ciwaankan
C:WINDOWSsystem32driversetc adigoo ku furay text editor, sida Note Pad.
2. Si aad u joojisid xayeysiimaha Google adsense ku dar sadaradan soo socda file ka.
127.0.0.1 pagead.googlesyndication.com
127.0.0.1 pagead2.googlesyndication.com
127.0.0.1 adservices.google.com
3.hadii aad rabtid inaad joojisid xayeysiimaha Yahoo Publisher Network(YPN) ku dar
sadarkan file ka
127.0.0.1 ypn-js.overture.com

Waxan filayaa iney faa'iido u noqon doonto dhalin yaro badan.

Note: Maqaalkan hoose waxaa Somalitech.com usoo diray:

Mohamed Yuusuf

Home Print

 

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home