 |
|
|
|
Fahanka shabakada Internet-ka.
Faa¡'iidada Internetka:
Isticmaalka internetka ayaa waxaa la sheegaa ama ay cadeeyaan shirkadaha qaybiya internetka ee dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in uu noqday internetku mid keensaday faa¡¦iido ka badan intii laga fililahaa shay caalami ah oo dadku ay wada isticmaalan, tusaale hadii lagu qadari lahaa in laga filo faa¡'iidada ugu badan ee laga heli karo internteku inuu yahay 100%, waxaa jira in laga helay 700%, waa sida ay ku sharaxaan iyadoo ay taasi muujinayso faa¡'iidada xad dhaafka ah ee laga helay internetka.
Ma sahlana faa¡'iidooyinka laga helay internetka oo sida ay dad badani u yaqaanan internetka maaha meel lagu dirsado waraaqaha (e-Mails) ama laga akhristo wararka (News), oo ay u maleeyaan oo kaliya inuu baajiyay isticmaalkii boostada ee ay warqadu ku gaadhi jirtay dalka loo dirayo ugu yaraan 7 maalmood, iyo in uu noqday meesha kaliya ee wararka ugu dhaqsaha badan uu ka heli karo qofka aan helaynin firaaqo uu ku dhagaysto radio ama uu ku daawado TV.
Xaqiiqdu waa in uu internetku ka faa¡'iido badan yahay sidaas balse ay jirto in ay muhiin tahay in aynu ogaano in uu yahay internetku meel ay wax walba oo ay baahi kuu gasho aad ka heli karto, tusaale ardayga barta xisaabadka waxaa uu ka heli karaa dhamaan buugaagta laga qoray qaybta uu doonayo ama uu ku hawlan yahay xalinteeda iyo waliba qoraalo dheeri ah iyo fikrado kala duwan oo laga qoray, hadii uu qofku yahay wariye waxaaba jirta in laga helo wararka ugu badan ama ugu sareeyo ee ka dhacay dunida, iyadoo ay cid waliba soo geliso waxa ay ka hadlayso ama ay sameysay intabada.
Sidoo kale waxaa jirta in laga helo qaybaha ay bini'aadamku gaar gaarka u xiiseeyaan sida music, film, tv, sport, training, research, taariikhihii hore, iyo nooc walba oo uu u baahan yahay qofku.
Hadba hadii wax walba laga helo internet-ku su'aashu waa side looga heli karaa, taasi waa mid u baahan xoogaa aqoon ah oo uu kasbado qofku isla markaana uu si toos ah ugu xidhan yahay ilaha (sources) gaarka u ah waxyaabaha uu danaynayo.
Waxaad moodaa in faa'iidada aynu sheegnay ay tahay mid mararka qaar ay tahay xad dhaaf waayo meel aad wax walba ka helaysid maaha wax sahlan, iyadoo aynu wada ognahay in baahida bini¡¦aadamku ay tahay mid aan dhamaan oo mar walba joogta ah.
Waxa mudan in la xuso in dadka isticmaala internet-ka gaabiya xawaarihiisu (Dailup connecton) ay iyagu ku adagtahay inay helaan waxyaaba badan, waxaana ugu wacan waa xawaaraha ay haystaan/isticmaalayaa oo an mid aan u suura galenaynin in ay ka soo shubtaan internet-ka wax badan.
Balse kuwa iyagu haysta internet-ka dheereeya (DSL or Cable satellite) waa kuwa la odhan karo waxaa u furan albaabka horumarka ee dunida waase hadii ay jirto khibrad ay ku badhan karayaan internet-ka.
Bal aan tusaale u soo qaato waxaan ka soo helay internetka file/program kaasoo iisura gelinaya inaan daawado 3000 oo TV caalami ah, isla markaana aan tv-gii aan doono aan daawan karayo iyadoo ay ku wada jiraan dhamaan wadamada caalamka oo dhan inyar mooyaane. Malaha waa arin uu la yaab ku noqon karta qof walba oo aan arag ama maqal tusaalahan balse waa wax jira, waxaan ka sii daran in wax walba oo aad u baahan tahay aad ka heli karto.
Maaha mid lagu soo koobi karo faa'iidooyinka internetka qoraal kaliya, waxaana jirta in laga qoray buugaag kuman waraaqood ka kooban, qofkii u baahan inuu si qoto dheer u ogaadana uu ka baadhi karo internetka.
Dhibaatooyinka internetka:
Dadka badankoodu waxa ay wax ku kaydsadaan computerkooda, sidoo kale shirkadaha waawayn iyaguna waa la mid, hadaba hadii sirta ugu qaalisan lagu kaydiyo computer oo laga yaabo mararka qaar inay ku fadhido sirtaasi malaayiin lacag ah, waa dhab inay u baahan tahay in la ilaaliyo, laakiin hadii computerka ay ku kaydsan tahay uu ku xidhan yahay internet maaha wax dhibadan in la lala baxo ama la xado.
Waa laga yaaba in dadka qaar ay yidhaahdaan sidee loo xadidi karaa, hagaag waxaan jeclahay inaan wax yar ka taabto arintaas oo dhab ahaantii noqotay dhibaadata ugu weyn ee uu keensaday internet-ku.
Waxaa jirta in hadii aad doonaysid in sirtaadu ay kuu noqoto mid aan cidi arag ay muhiim tahay inaad yeesho labadan arimood.
1- In adan iskaga xaraynin sirtaada computer. 2- In hadii aad gelisid Sirtaada computer adan shidin computerka.
Hadaba hadii aysan kaa suuro gal ahayn labadaa arimood ee aynu sheegnay waxaad ogaataa in aad khatar afka u saran tahay, oo ay xogtaadu/sirtaadu qiima kastay hakuugu fadhidee ay halis u tahay in lala baxo/xado.
Waa dhab hadii ay sidaasi jirto in aan la isticmaaleen computer-da waayo waa halis aan sahlanayn in uusan computer-kaagu ahayn mid amaan ah oo kuu xafidan.
Hadaba waxaa jirta inaad computerkaaga aad ka dhigi karto mid amaan ah 90% oo aad ka ilaalin karto in lagaa shubto sirtaada, oo ay soo galaan tuugta internetka ku baadhata dadka ee loo yaqaan HACKERS, kuwaasoo ah dad aqoontoodu ay xad dhaaftay isla markaana gaadhay in ay helaan awood ay ku gali karaan compter kasta oo caalamka yaala waa hadii uu ku xidhan yahay internet, ilaa inyar oo ku dadaasha inay ilaashadaan computeradoda mooyaane kuwaas oo sameeya waxyaaba badan oo ay ku ilaashadaan xogtooda/sirtooda, isla markaana adiugna aad sameyn karto sidaas oo kale.
Si aad u ilaashato computerkaaga waa inaad ku dhaqaaqdaa arimahan soo socda, oo aad ugu yaran fulisaa dhamaantood adigoo u tafa xaydanaya ilaalinta sirtaada ama sirta aad ka masuulka tahay.
1- Isticmaal anti virus: waa muhiin aad u adag inaad isticmaasho anti virus, sidaa darteed cusboonaysii maalin walba (updating) si hadii ay jiraan virus cusub oo soo baxay isla markaan ay xalisay shirkada aad ka haystid anti viruska aad uga soo heshid xalkii ugu dambeyey. 2- Isticmaal firewall: hadii uu yahay internet-kaagu mid xawaarihiisu uu dheereyo waxaan shaki ku jirin inaad kaga halis badan tahay kuwa iyagu wali isticmala internet-ka gaabiya, sidaa darteed waa inaad raadsataa wax kaa difaaca dhibka kaaga imanaya internet-ka (firewall). 3- Cusboonaysii programka aad u isticmaalaysid computer-kaga sida windows, Macintosh etc. 4- U sameyso computerkaaga fure (password) adag ama dheer oo ka kooban xarfaha waawayn, kuwa yar yar iyo nambaro.
Inkastoo aan jeclahay inaan mid walba gaar uga hadalo sida, anti virus, firewall, updates iyo passwordk oo aan ku soo qaadano qoraaladeena dambe waxa ay yihiin iyo wax tarkooda, sidaa darteed la soco maqaalada dambe.
Khdar M. Omar www.somalitech.com
Home Print
|
|
 |
 |