 |
|

|
|
PHP AND MYSQL
PHP (Personal Home Page) ama (PHP: Hypertext Preprocessor ) waxaa sameeyay ninka layiraahdo Rasmus Lerdorf 1994. PHP waa (Server Site scripting language) sida ASP. PHP wuxuu u dhexeeyaa oo u kala turjumaanaa Server-ada sida APACHE iyo Database-ka sida MYSQL.
PHP waxaa loo adeegsadaa samaynta Dynamic Websites-ka. Dynamic website-ku waa website-ka nooca ugu sahlan uguna daqshada badan ee si sahal ah wax looga badali karo meeshii ladoono hala joogee maadaama uu ruuxu heli karo computer ku xiran internetka oo laxiriirsiiya Server-ka uu website-ku ku kaydsanaa. Sidaas owgeed, haddii aad webpage ku samayso PHP waxaad awood uyeelan kartaa inaad adigoo fasax ama shaqo ku maqan in website-kaada waxii aad doonto ku dartid wixii aad rabtana kasaartid anigoonan u baahanin inaad kusoo noqoto computerkii aad ku samaysay ee ay program-yadu kuugu jireen.
Tan kale, PHP wuxuu lashaqayn karaa HTML,XML,JAVA IWM isagoonan wax dhibaato ah ama error ah u keenin language-ka ay isku page-ka ku wada qoran yihiin.
Hadda waxaan filayaa inaad is leedahay sideen u tijaabiyaa! okey. Haddii aad u baahan tahay inaad jitaabiso PHP waxaa lagaa doonayaa inaad marka hore hesho server PHP-ga support-gareeya. Sidaas owgeed waxaad samayn kartaa 2 arimood midood. Tan hore, haddii aad leedahay Remote server waxaan filayaa inay sahal tahay inaad tijaabiso sida uu u shaqaynayo website-ka adigoo isticmaali kara FTP (File Transfer Protocol) una rari kara faylashii dhinaca serverka fog (Remote server). Badanaa shirkadaha laga qabsado booska web hosting-ka waxay kuu sheegayaan in serverkoodu uu PHP support-gareeyo iyo in kale. Sidoo kale waxay kuu sheegayaa sidii aad u isticmaali karto FTP iyo address-ka uu server-ku leeyahay.
Haddii aadan haysanin Remote server laakiinse aad doonayso inaad tijaabiso PHP iyo MYSQL, waxaa lagama maarmaan ah inaad computer-kaada ku soo rogato programm-yadaas iyo waliba APACHE SERVER ama IIS IWM. Arinkaas badanaa sahal ma aha laakiinse waxaan isku dayaayaa oo aan halkan kuugu hayaa program aad iyo aad sahal u ah oo aan filayo inuu kuxiiso galin doono isagoo awood kuu siin doona inaad 10 daqiiqo in kayar aad awood u yeelato inaad hesho server shaqaynaya oo wixiisii oo dhan ay u idil yihiin sida PHP,APACHE SERVER iyo MYSQL.
Haseyeeshee, inta aanan kuu sheegin meesha aad kasoo rogan karto programm-kaas, waxaan ku xasuusinayaa in page-yada aad ku qori doonto PHP aad ku save-garayso .php NOT .htm sidaas owgeed faylka ugu horeeya ee index-ka ah waa in extension-kiisu uu noqdo .php NOT .html or .htm haddii kale kuu shaqayn maayo.
Waxba yaanan hadal kugu daalinine Server-ka halkan kasoo rogo Riix halkan kadibna ku kaydi computer-kaada meeshii aad doonto, kadibna raac tilmaamaha barnaamijka. Haddii aad dhib kala kulanto arinkaas fadlan email iisoo dir si aan kaaga caawiyo.
Note: Cashiradu way sii socon doonaan inshaa-alaah.
Good luck
Home Print
|
|
 |
 |