logo
top
left

 

 

 

 

 

 

PHP Installation

Haddii aad doonayso inaad barato PHP waxaa marka hore lagaaga baahan yahay inaad sameysato meel aad ku tijaabin karto luqadda ama code-ka aad qori doonto.

Si aad arinkaas u samayso waxaad booqataa webkan hoose:

appservnetwork

Markii uu webku kuusoo soo baxo waxaad tagtaa meesha ugu hooseysa ee ay ku qoran yihiin liiska noocyada kala duwan oo diyaarka u ah in lasoo rogto.

Liiskaas ka doonto midka aad doonayso inaad install-gareyso. Run ahaantii waa isku mid laakiinse waqtiyo kala duwan ayay soo kala bexeen.

Waxaa markaa kuu bilowmaya inuu computer-kaaga ku install-gareeyo.
Magaca Appserv waxba haka badalin markaad save-garaynayso.

kadib waxaad raacdaa talaabooyinka uu ku tusayo adigoo meel ku qoraya passwordka, usename , email iyo wixii kale ee macluumaad ah ee aad siisay sababtoo ah waa muhiim inaad xasuusnaato macluumaadkaas.

Waxyaabaha kale ee uu soo saari doono sida LOCALHOST iyo Appserv iyo MYSQL waxba haka badalin ee sidooda u daa.

Markii uu installation-ka dhameeyo waxaad furtaa:

- Internet explorer
- kadib waxaad ku qortaa localhost
- kadib riix Enter

Waxaa markaas kuu soo baxi doona bog kuu cadeynaya inuu installation-kaadii noqdey mid sax ah oo aad hadda PHP iyo MYSQL intaba isticmaali karto.

Haddii uu bog sidaas ah kuusoo bixi waayo waxaad eegtaa inuu computerka kuugu jiro Antivirus kaas oo joojinaya inuu Apache-ga furmo. Norton Antivirus haddii uu kuugu jiro iska yara xidh kadibna mar labaad samee tallaabadii hore.

Haddii ay cilad kale oo weyn ku qabsato uninstall ku samee adigoo raacaya tallaabooyinka lawada yaqaano ee ah: add/remove program kadibna dib u install-garee mar labaad.

Haddiise uu wax walba OK kuu noqdo oo uu bog kuusoo baxo markii aad interent explorerka ku qorto localhost, markaas waxaad ogaataa inaad hadda baran karto PHP iyo MYSQL oo ay ku xidhan tahay hadba waqtiga aad galiso.

bog tijaabo ah:

Si aad u qorto boga ugu horeeya ee code-kaada waxaad furtaa:

Notepad, frontpage ama dreamweaver hadba midkaad doonto.

waxaad qortaa sidan hoose:

tijaabo.php


Faylkaas waxaad ku save-gareysaa meeshan:

c:/appserv/www/tijaabo.php

Waa haddii aad markii hore ee aad appserv install-gareynaysay aad ku save-gareysay c: drive, hadii kale meeshii aad ku save-gareysay ladoono.

Waxaa mihiim ah inaad samayso labo shay:

1- inaad faylka aad siiso extension .php markaas save-gareynayso
2- inaad ku save-gareyso gudaha folder-ka www kaasoo hoos yimaada appserv folder oo ku jira c: ama meeshii kale ee aad ku kaydisay.

Intaas markii aad sameyso waxaa hadda lagaa doonayaa inaad tijaabiso code-kaadii waxaadna samaysaa sidan:

- Fur internet explorer
- Qor localhost/tijaabo.php
- kadibna riix enter

Waxaan filayaa inuu kuu soo bixi doono page-kii aad qortey ee ahaa "Hello World"


Hadii ay wax kaa qalbamaan dib ugu noqo tallaabooyinka oo sifiican u akhri.

Wixii kale ee dheeraad ah fadlan nasoo weydii anigoo kusoo qoraya forum ama noosoo diraya emailka hoose.

Rashid
webmaster@somalitech.com

Home Print

 

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home